Weerarro khasaare geystay oo sida la sheegay ay fulisay kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay gobollada Shabeellaha dhexe, Mudug iyo sidoo kale gobolka Gaarisa oo ka mid ah dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay, qarax lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan booliska Hirshabeelle oo marayay gudaha magaalada Jowhar.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Daahir Camey, ayaa sida la sheegay ka badbaaday qaraxaasi, balse waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah askartii ilaalinaysay.
Khasaaruhu intaasi oo keli ah kuma ekayne, waxa kale oo la xaqiijiyey in burbur xooggani uu soo gaaray gaarigii qaraxa lala eegtay.
Sidoo kale, galabnimadii shalay, qarax culus ayaa lagu weeraray ciidamada Burundi iyo kuwa DF Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe.
Sida ay wararku tibaaxayaan ciidamadan huwanta ah ayaa la beegsaday iyagoo ku dhex luganaya gudaha magaalada Jowhar.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 2 askari oo Burundiis ah ay ku dhinteen qaraxaasi, halka 3 askari oo ka tirsan ciidanka dowladdu ay ku dhaawacmeen.
Gobolka Mudug, waxaa isna maalinnimadii shalay ka dhacay weerar lagu qaaday fariisin ciidanka DF ku leeyihiin deggaanka Faax ee dhaca duleedka magaalada Xarardheere.
Sida ay xogtu tibaaxayso, kooxda Al-Shabaab, waxaa u suurto-gashay inay kala cayriyaan ciidankii dowladda ee ku sugnaa fariisinkaasi.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in ay jiraan tiro askar ah oo ka tirsan ciidanka dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaasi.
Gobolka Gaarisa ee Kenya ay xoogga ku haysato, waxaa isna ka dhacay, weerar culus oo mintidiintu ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Weel-mareer ee degmada Faafi.
Hawl-galladan ayaa qayb ka noqonaya weerarro si joogta ah ay kooxdani ugu bartilmaameedsato ciidamada shisheeye ee kusoo duullay dalka iyo kuwa daba-dhilifka u ah.
